Garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho waxa uu saaka marti-geliyay isku soo baxyo ka dhan ah shirkadda Turkiga ee gacanta ku haysa maamulka garoonkaasi.
Shaqaalaha ka howlgala garoonka, ayaa ka cabanaya dhibaatooyin xooggan oo ay si joogta ah ugala kulmaan shirkadda Turkida, taasoo ay ugu horrayso inay ka goosatay mushaarkooda.
Iyaga oo sita boorar ay ku qoranyihiin halku-dhigyo ka dhan ah shirkadda ay kooxda Riddada ah ku wareejisay maamulka garoonkaasi ee lagu magacaabo Favori, ayay saaka isku soo bax ka sameeyeen albaabka laga galo garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.
Waxay sheegeen inay shaqo joojin sameeyeen, waxayna ku guuleysteen inay xiraan albaabka laga soo galo garoonka, taasi oo sababtay in uu in muddo ah hakad galo dhaqdhaqaaqa garoonka, wallow markii dambe uu si caad ah kusoo laabtay.
Mid ka mid ah dhaqaalaha mudaaharaadka cabashada sameeyay, ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay yiri “Xalay Meeshaan mushahaar ka filaynay Nus doolar iyo 0.70 sinti ayay noo soo tuureen Shirkadda Maamusha Airportka ee Favori, dhibaatooyinka waxaa ka mid ah in xitaa haweenka lagu dhaho ma guursan kartaan 5-sano ama ma dhali kartaan hadaad guursataan” ayuu yiri.
Shirkadda Favori oo ah tan maamusha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa dhibaato xoogan oo joogta ah ku hayso dadka Soomaaliyeed ee ka howlgala garoonkaasi, waxayna mararka qaar soo saartaa go’aamo ay ku ceyrinayso shaqaale badan, halka ay ku beddelanayso kuwa kale oo ay ka keensatay waddamada dibadda.