Murtad Shariif sheikh Axmed oo ah madaxii hore ee kooxda Riddada, ayaa waraysi uu bixiyay kaga hadlay fashilka amni ee haysta kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Gurguurte.
Shariif murtad oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ee waaya-jooga ah, ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ay tahay mid halis ah.
Isagoo ka jawaabayay su’aalo laga waydiiyay doorashooyin gaaleedka uu wato murtad Xasan Gurguurte ayuu sheegay in xaaladda kooxda Riddadu ku sugan tahay ay tahay mid khatar ah, mujaahidiinta Al-shabaabna ay culays amni saareen magaalada Muqdisho.
Wuxuu tilmaamay in hadda walaac laga qabo jiritaanka kooxda Riddada ah, madaxda Riddadana ay marin-habaabinayaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada Muqdisho.
Hadalka murtad Shariif sheikh Axmed, ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada mujaahidiinta ay kordhiyeen howlgallada ay ka wadaan maagalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo lagu beegsanayo saraakiisha iyo maleeshiyada murtadiinta, warbaahinnada reer galbeedkana ka deyrinayaan xaaladda ay ku sugan tahay kooxda Riddada Soomaaliya.