Wararka Laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari waxey sheegayaan in duleedka Magaaladaasi uu ka dhacay Shil gaari oo Geystay Khasaara Nafeet iyo Mid Hantiyadeed.
Shilkan ayaa yimid kadib markii uu rogmay Raagi Xamuul ah oo Waday Ari fara badan kaasi oo kasoo Baxay Degmada Qardho kuna sii jeeday magaalada Boosaaso.
Inta la xaqiijiyay shilkaan gaari waxaa ku dhintay Labo Ruux waxaana ku dhaawacmay Hal ruux kaasi oo la dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale waxa uu burbur xoogan uu soo gaaray Gaariga Xamuulka ee rogmay waxaana Baqtiyay Dhowr Neef oo qeyb ka ahaa Arigii uu waday Gaarigaasi rogmaday.
Dhulka uu ka rimiyo Maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ayaa qeyb ka ah Meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan Shilalka gaari waxaana inta badan sabab looga dhigayaa Burbur iyo ciriiri ka jira Wadooyinkaasi