Shilkan gaari oo ahaa mid xooggan ayaa ka dhacay dalcadda isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, shilkaasi ayaa yimid markii baabuur nooca raaxada ah uu ku dhacay mootooyin marayay waddada laamiga ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaan baabuur ku dhintay ugu yaraan hal qof oo wade ka ahaa mooto nooca Dhugdhugleyda ah, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Gaariga shilka sababay ayay ilo wareedyo ku sugan goobta soo sheegeen in uu farriin goostay, kuna dhacay laba mooto oo nooca Bajaajta ah iyo mooto kale oo nooca Dhugdhugleyda loo yaqaan.
Wararka qaar waxay sheegayaan in khasaaraha dhimasho uu intaa ka badan yahay, qaar ka mid ah dadka dhaawacyada qaba ayaa lasoo wariyay inay xaaladdoodu culus tahay, sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay burburka gaaray gaadiidka shilka galay.
Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay shilalka gaadiidka, bishii hore ayay ahayd markii shil ka dhacay degmada Howlwadaag ee Muqdisho ay ku dhimatay qof haweenay ah, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.