Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa dhintay kadib markii gaari shidaal qaada uu dab ka kacay wadanka Ugandha sida ay sheegeen Booliska wadankaasio.
Dhacdaan oo ka dhacday galbeedka wadanka Ugandha ayaa sidoo kale sababtay Burburka Saddex Gawaari.
Meydadka Sagaal Ruux oo aad ugubtay ayaa laga soo qaaday goobta waxaana la geeyay isbitaalka Lagazi
Shilkaan oo ka dhacay xarunta ganacsiga ee Kayambura ee degmada Rubirizi ayaa waxaa ku gubtay ilaa iyo sodan dukaan sida uu sheegay wargeyska Daily Monitor.
Darawalka waday gaariga ayaa lumiyay kontroolka gaariga wuxuuna ku dhacay saddex gawaari taasi oo si degdeg ah usababtay in dab uu qabsadao gawaarida.
Dowladda ayaa sheegay in faafaahin dheeraad ah ay ka bixin doonto dhiig dadka oo baaritaan lagu samaynayo maadaama la garan waayay islamarkaana goobta caafimaad ay yimaadeen ehelada dadka dhintay oo garan waayay muuqalada dadkooda maadaama ay aad ugubteen.
Qofka tobanaad ee dhintay ayaa bayaanka lagu sheegay inuu ku hoos jiro gaariga oo ay adkaatay in laga soo hoos bixiyo.
Booyadda qaraxday ee shidaalka waday ayaa kusii jeeday wadanka Kenya iyadoo kaga sii gudbi lahayd Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo,sida ay ku warameen ciidamada Booliska.
Afhayeenka Ciidamada booliska Ugandha oo saxaafada la hadlay ayaa wuxuu sheegay in labo taksi, oo ay la socdeen 20 qof, ay ka mid yihiin gawaarida ay waxyeelladu gaartay.waxaana uu ka gaabsaday inuu ka hadlay xaalada ay ku suganyihiin dadkii la socday gawaaridaasi.