Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay shilal baabuur oo ka dhacay qaybo ka mid ah Kenya, mid ka mid ah shilalkan ayaa ka dhacay ismaamulka Kiambu.
Ilo wareedyo ayaa sheegay suuragalnimada in dhowr qof ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen ka gadaal markii gaari xamuul ah uu jiiray dukaan qalabka dhismaha lagu iibiyo oo kuyaal ismaamulka Kiambu .
Goobjoogeyaal ayaa soo tabiyay in shilka uu ka dhacay isgoyska Limuru, waxaana baraha bulshada qabsaday sawirro ku saabsan gaariga xamuulka ah ee ku dhacay dhismaha iyo burburka uu shilku gaystay.
Ciidamo ka tirsan booliska iyo kuwa gurmadka degdega ah ayaa dhacdada ka dib goobta soo gaaray, waxayna bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay shilkaasi khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac gaystay.
Dhanka kale, shil baabuur oo kale ayaa ka dhacay isla Kenya, kaasi oo ay ku nafwaayeen ugu yaraan lix qof oo Kenyan ah, shilkan ayaana si gaar ah uga dhacay Soysambu oo dhaca duleedka Gilgil oo ku teedsan wadada isku xirta magaalooyinka Nakuru iyo Nairobi.
Shilkan gaari ayaa u dhaxeeyay baabuur Bas ah iyo gaari kale, abbaaro 4-tii subaxnimo ee maanta ayuuna dhacay, ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in dhammaan lixda qof ee shilka ku dhimatay ay la socdeen gaariga kale ee gaarka loo lahaa.