Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya ayaa ku waramaya in mid kamid ah shirkadaha ay leedahay dowladda ridada Turkiga ee gacanta ku haysa garoonka diyaaradaha ay ku kacday fal ay ku burisay tobannaan shaqaale Soomaali oo ka howlgalayay garoonkaasi.
Shaqaalahaan ayaa lagu wargaliyay in ay shaqada isaga tagaan, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in lagu baddalay kuwa kale oo ajnabi ah.
Wasiirka Gaadiidkii iyo Duulista hawada ee kooxda Riddada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu kaalin weyn kulahaa ceyrinta shaqaalahaan Soomaalida ah ee ka howlgalayay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Waxaa maanta isla garoonkii ay ka howlgalayeen shaqaalahaasi bannaanbax ka dhigay tobannaan kamid ah dadkii laga ceyriyay shaqada, iyaga oo sheegay in si gaar ah loo beegsaday.
Muddooyinkii lasoo dhaafay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa jihawareer xooggan, iyadoo ay gacanta ku hayso shirkad Turki ah, taasi oo dhibaato ku hayso dada musaafiriinta ah.