Shirkaan oo shaley ka dhacay xarunta Villa-Soomaaliya ayaa waxaa isugu yimid mucaaradka “Golaha Mustaqbalka” iyo Xasan Gurguurte wuxuuna ahaa kii 2aad oo dhexmaray labada dhinac.
Labada dhinac oo laba daraf oo kala fog taagan ayaa isku haya arrimaha doorashooyinka, waxaana shirkii shaley diirada lagu saaray doorashooyinka maamul-gobaleedyada iyo tan Federaalka.
Mucaaradka ayaa soo gubiyey in loo laabto doorashooyinkii dadbanaa, balse arrintaasi waxaa si weyn ugu soo horjeestay Xasan Gurguurte oo ku adkeystay inuu qabanayo doorasho Qof iyo Cod ah, islamarkaana aanan loo laaban doonin mid dadban.
Sidoo kale mucaaradka ayaa u sheegay Gurguurte inuu degdeg ku qabto doorashooyinka Maamulka ridada ee kala Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur-galbeed, balse Xasan Gurguurte ayaa u sheegay mucaaradka aysan shaqo ku lahayn mucaaradka arrimaha doorashooyinka maamul-gobaleedyada.
Sidoo kale Gurguurte ayaa mucaaradka u sheegay inuu ku adkeystay inuu qabto doorasho Qof iyo Cod taasoo sii adkeysay shirka, islamarkaana keentay in labada dhinac ay shirkaasi ku kala tagaan.
Lama oga inuu sii socon doono shirka iyo inuu sidaasi ku burburay, iyadoona dhinacyada mucaaradka laga sugayo inay ka hadlaan shirka ay la yeesheen Xasan Gurguurte iyo halka ay marayaan.