Dagaallo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo kuwa Shisheeyaha ayaa markale ka dhacay Deegaano ka tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaal culus ku qaaday Saldhiga Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen Deegaanka Numbar-60 oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose, Waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhawaaqa Rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Shabeelada Hoose, Waxeyna dadka deegaanka Sheegeen iney jirto Khasaara Naf iyo Maal ah oo Askarta Kufaarta AMISOM lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Dagaalkan ka dhacay Deegaanka Numbar-60 ayaa imaanaya xilli Sidoo kale Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay weeraro Saf ballaaran ah ku qaadeen Saldhiga iyo Difaacyada Ciidamada Kufaarta iyo Maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka sameysteen Deegaanka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Wilaayada Shabeelada Hoose.
Calamada.com