Daily Express oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa waxay baahisay in sirdoonnada reer galbeedka saliibiyiinta ah ee ku sugan Muqdisho ay billaabeen inay dalka ka cararaan, kaddib markii la jebsaday nidaamka E-visa oo dhowaan kooxda Riddadu sameysay.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee u dambeeyay ay Muqdisho ka carareen ilaa 60 khabiir oo sirdoon reer galbeed ah, kuwaas oo ku sugnaa caasimadda, waxyar kaddib markii safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ay xaqiijisay in la jabsaday nidaamka E-visa ee kooxda Ridada, gacantana lagu dhigay xogta inka badan 35,000 qof oo qaarkood Maraykanka ka yimid.
Khubaradan basaasiinta ah ee dalka cararay ayaa waxaa soo wajahday cabsi ah in xogtooda gaarka ah ay baraha bulshada wareegayso, markii kooxo aan ilaa hadda si rasmi ah loo shaacin ay jabsadeen nidaamka E-visa ee kooxda Riddada, kuwaas oo markii ay jabsadeen nidaamkaas la sheegay inay baraha bulshada ku baahiyeen sawirrada iyo baasboorada shakhsiyaad shisheeye oo dalka usoo safray.
Maraykanka ayaa sheegay in kooxda jabsatay nidaamkaasi ay heleen xogta magacyada, sawirrada, taariikhaha iyo goobaha dhalashada, cinwaanada, e-mailada, xaaladda guurka, iyo cinwaanada guryaha dadka ajaanista ah ee iska diiwaan-geliyay nidaamkaasi ee Soomaaliya usoo safray.
Waxay tani keentay cabsi xooggan, safaaradaha reer galbeedka ee Muqdisho ku sugan ayaa sheegay inay joojiyeen isticmaalka nidaamkan, iyaga oo cabsi xoog leh ka qaba in xogtooda bannaanka la keeno.
Mareegta xogtan baahisay ee Daily Express ayaa dhanka kale sheegtay in la tuhunsanyahay in xogaha la jabsaday ay ku jiraan calooshood_ushqeysteyaal Colombiyan oo la mariyay garoomada Soomaaliya, kuwaasoo loo sii gudbiyay Suudaan, oo ay xasuuq daran ka gaysteen maleeshiyada Dacmu_sariic oo ah murtazaqo uu Imaaraadku ku adeegto.