Dalka Kenya waxaa waayadii dambe laga soo sheegayay dhacdooyin afduub ah oo la sheego in lagula kaco xubno siyaasiyiin ku jiraan oo ka hor inta aan la waayin la kulma fariimo gaar ah oo iyaga ku socda, markii ay iska dhaga-tiraanna waxay la kulmaan afduub oo inta badan aan la ogaan halka loola dhaqaaqo.
Wararka ka imaanaya dalka Kenya, ayaa sheegaya in la helay nin siyaasi ah oo lagu magacaabo Shadrack Maritim, kaasi oo loo badinayo in lagu haytay dalka Uganda, warbaahinta maxalliga ah waxay sheegtay in siyaasigan oo mar isu sharraxay xildhibaannimo laga helay magaalo lagu magacaabo Mbale oo ka tirsan waddanka Uganda.
Siyaasigan ayaa lasoo wariyay in muddo laba bilood ah la’laa meel uu ku sugan-yahay balse ugu dambayn Arbacadii shalay ayaa laga helay Uganda, ehelladiisu waxay sheegeen in la waayay bishii October.
Ka hor inta aan la afduuban ayuu siyaasigan la kulmay hanjabaad uga timid sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Kenya, goodigaas wixii ka dambeeyay na waa la waayay, waxaana afduubkiisa lala xiriiriyay hanjabaadda sarkaalka ka tiran Booliiska Kenya.
Kenya waxay ka mid tahay dalalka lagu afduubto siyaasiyiinta sida wayn u dhaliila dowladda xukunka haysa, magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale ayaa si isku mid ah looga afduubtaa siyaasiyiintaasi, waxaana qaarkood si aan loo tixraacin la geeyaa meelo ka baxsan Kenya, sida Uganda.