Waddanka Itoobiya waxaa looga durbaan tumayaa dagaal kama dambeys ah oo dowladda Xabashidu ku doonayso in ay ku qabsato mid kamida dekadaha ugu muhiimsan geeska qaaradda Afrika islamarkaan kutaal biyaha badda cas.
Wararka Itoobiya ka imaanaya ayaa sheegaya in nidaamka Federaaliga Abiy Axmed uu qafaal iyo ciidameyn ka billaabay ismaamul goboleedyada, si lamid ah dagaalkii uu nidaamku ku qaaday ismaamulka Tigray ee waqooyiga dhaca ayuu bilaabay ciidan aruursi iyo kicin bulsho uu guud.
dhammaan mas’uuliyiinta xisbiga talada haya ee PP ayaa lagu amray in ay ciidamo ka aruuriyaan gobollada ay ka taliyaan ayna boqolaal kun oo askari ku wareejiyaan taliska guud ee ciidamada Xabashida.
Jowhar Maxamed oo siyaasi caan ka ah Itoobiya ayaa bartiisa X ku faafiyay qoraal uu uga xog warramayo kulamo qarsoodi ah oo isbuucii lasoo dhaafay ay yeesheen madaxda ismaamullada Oromiya iyo soomaaligalbeed kuwaas oo ay uga arrinsanayeen isku diyaarinta dagaalka weyn ee Itoobiya ay ku qabsanayso dekadda Casab.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxda labadan maamul ay ka arrinsadeen sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka Casab, mas’uuliyiin katirsan dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegay in islamarka lafuro biya xireenka Alnahda uu billaaban doono duullaanka magaalada Casab.
Sirdoonka dowladda Ereteriya ayaa isna helay xogo daqiiq ah oo ku saabsan duullaanka ugasoo wajahan dhanka Abeey Axmed, Kumanaan maleeshiyaad Liyuu boolis soomaali ah ayaa lafilayaa in xaabo looga dhigo dagaalka dhaxmari doono Itoobiya iyo Ereteriya.