Guuleed Saalax Barre oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradsan madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntalnd, oo ka hadlayay magaalada Garoowe ayaa eedaymo xooggan u jeediyay Siciid Deni.
Murtad Guuleed oo horay isu soo taagay xilka madaxa maamul goboleedka Riddada ah ee Puntland, ayaa sheegay in madaxa maamulkaasi uu shirkado mutazaqo ah usoo kiraystay boobka khayraadka umadda Soomaaliyeed ee ka buuxa gobollada waqooyi bari ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Siciid Cabdullahi Deni uu ku jiro qorshe sharci darro ah oo uu ku xaalufinayo khayraadka rabbaaniga ah ee ka buuxa degaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi, si gaar ah gobollada Bari iyo Sanaag, isaga oo usoo kiraystay buu yiri shirkado calooshood ushaqeysteyaal ah.
‘‘ Waxaad la socotaan in la qorsheynayo in sifo aan sharci ahayn lagula soo baxo khayraadkii rabbaaniga, in lasoo kiraystay Campany-yo calooshood u shaqeystaal ah, in la rabo in la boobo kheyraadkii ku jiray si gaara gobollada Sanaag iyo Bari,” waxaa sidaas yiri Guuleed Salaax.
Wuxuu dhanka kale Guuleed Saalax sheegay in maamulka Riddada Puntland uu noqday shirkad u shaqaysa Siciid Deni iyo qoyskiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Murtad Guuleed Saalax ayaa doorasho gaaleedkii u dambeysay ee loogu tar-tamayay hogaanka maamulkaasi la galay murtad Deni, wuxuuna hadda ka mid yahay siyaasiyiinta sida wayn u mucaaradsan madaxa maamulka uu fadhigiisu yahay Garoowe.