Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay kooxda Riddada iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ashahaada la dirirka ah, ayaa shir ay isugu yimaadeen ku shaaciyay inay ku midoobeen hal xisbi siyaasadeed oo ka dhan ah kooxda Gurguurte.
Siyaasiyiinta kulmada yeeshay oo ay ka mid yihiin Cabdi Faarax Shirdoon iyo Fahad Yaasiin iyo xubno kale oo xilal kasoo qabtay kooxda Riddada Somalia iyo maamul goboleedyada, ayaa ku dhawaaqay inay ku midoobeen hal xisbi siyaasadeed oo ay ugu magac-dareen Midowga Haybad Qaran.
Waxay sheegeen in uu dalku wajahayo xaalado aad u liita oo ay ka mid tahay dhaqaale burbur, waxay shaaciyeen in xisbiga cusub ee ay ku midoobeen uu musharrax madaxweyne u yahay Cabdi Faarax Shirdoon oo intii u dhaxaysay bishii October 2012-kii ilaa December 2013 soo qabtay xilka ra’iisul wasaare ee kooxda Riddada.
Dhowaan ayay sheegeen inay Muqdisho ku qaban doonaan shirweyne ay ku shaacin doonaan musharraxnimada Saacid, Isbahaysigaan ay ku midoobeen siyaasiyiinta xilalka kala duwan soo qabtay, ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu Gurguurte wajahayo cadaadisyo siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah.