Xilli uu sii xoogaystay khilaafka ka dhex taagan siyaasiyiinta mucaaradka iyo kooxda riddada Soomaaliya ayaa xubno ka tirsan mucaaradku ay shaaciyeen inay isaga baxeen gole ay mucaaradku ku midaysnaayeen oo loogu magac-daray Madasha Samatabixinta.
Xubnahan oo kala ah Cumar Cabdirashiid, Shariif Xasan Sheekh Adan, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Mursal oo xilalka R/wasaare, Guddoomiye Baarlamaan iyo Wasiir kasoo qabtay qabtay riddada Somaliya ayaa go’aankooda kaga dhawaaqay kulan xalay ka dhacay Muqdisho oo siyaasiyiinta mucaaradku ay isugu yimaadeen.
4-tan Murtad ayaa goobtaasi ka caddeeyey in ay rabaan in xisbi ay furtaan, isla markaana ay qaateen siyaasadda Murtad Gurguurte ee doorasho-gaalleedda lagu sheegay qof iyo cod, taas oo mucaaradku ay si weyn uga biyo-diideen, isla markaana ay tilmaameen inuu doonayo in muddo-xileedkiisa uu ku korodhsado.
Ilo-wareedyo ayaa tilmaamaya in afartan siyaasi ay horeyba gacan-saar ula lahaayeen Murtad Gurguurte, isla markaana iscasilaaddoodu aanay saamayn weyn ku yeelan doonin xubnaha mucaaradka, iyagoo horeyna uga qayb-qaatay kullanadii lagu kala kacay ee xubnaha mucaaradka iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Go’aanka xubnahan iska dhiibay Villa Somaliya ayaa kusoo aadaya iyadoo wasiirka gaashaandhigga kooxda riddada Soomaaliya murtad Axmed Macalin Fiqi uu si adag ugu goodiyey xubnaha mucaaradka isla markaana uga digay inay hubka qaataan.