Xilli diidmo xooggan oo maxalli iyo caalami ah laga muujinayo nidaamka doorasho ee madaxda kooxda Riddada, ayay siyaasiyiinta mucaaradka ah isugu iman doonaan magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirkan oo maalmaha soo socda laga yaabo in uu ka furmo Garoowe ay ka qayb geli doonaan siyaasiyiinta mucaaradka ee dhowaan isbahaysiga loogu yeero golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku dhistay Kismaayo, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiinta ugu miisaanka culus mucaaradka Riddada, iyo madaxda labada maamul ee ashahaada la dirirka Jubbaland iyo Puntland iyo sidoo kale xubno ka tirsan golaha dawaaqiidda Riddada Soomaaliya.
Siyaasiyiinta mdashan ee isku arki doona magaalada Garoowe, ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan arrimaha la isku hayo ee doorasho gaaleedka Riddada.
Guddi farsamo oo ka socda golahan ay ku mideysanyihiin siyaasiyiinta ugu saamaynta badan mucaaradka, ayaa la sheegay inay kulamo gaar gaar ah ka wadaan Garoowe, waxayna dejinayaan baa la yiri qorshaha kalaguurka ah iyo sidii uu isbeddel dhab ah ku dhici lahaa oo ay meesha looga saari lahaayeen kooxda Gurguurte.
Shirka la filayo in uu ka furmo xarunta maamulka Siciid Deni ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan xubnaha mucaaradka ah uu shirweyne ugu soo gabagaboobay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka ashahaada la dirirka Jubbaland, kaasi oo ay kasoo saareen qodobbo dhowr ah oo ka dhan ah doorashooyinka halka dhinac ah ee uu qabsanayo murtad Gurguurte iyo hannaanka maamul ee kooxdaasi.