Shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Siyaasiyaan oo uu hormuud u ahaa murtad Shariif Sakiin ayaa waxay eedeymo markale u jeediyeen madaxa maamulka ridada ee Koonfur galbeed murtad C/Casiis Lafta-gareen.
Xubnahaan ayaa sheegay in muddo 7 sano oo uu Lafta-gareen hayo maamulka Koonfur-galbeed uu dhibaatooyin ilaa hada socda uu ku hayo shacabka ku dhaqan deegaanada uu ka arimiyo maamulkaasi.
Waxay si gaar ah usoo qaateen dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay sheegeen in dad shacab ah lagu dilay kuwa kalana lagu barakaciyey.
Siyaasiyiintaan ayey Lafta-gareen waxay ku eedeeyeen inuu xiray garoonka magaalada Buurhakaba taasoo ay sheegeen inay si weyn u saameysay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.
Eedeynta mucaaradka Koonfur-galbeed ayaa kusoo aadaysa xilli wixii ka danbeeyey dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo uu murtad Lafta-gareen la kulmayey eedeymo iyo dhaliilo ay usoo jeedinayaan mucaaradkiisa, xilli uu horay u dhammaaday mudde xileedkiisa.