Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa howlgalo qorsheysan oo ciidamada xarakada mujaahidiinta alshabaab ay ka kala fuliyeen qeybo ka mid ah wilaayaatka banaadir, sh/dhexe iyo jubbooyinka.
Dhanka magaalada muqdisho waxey mujaahidiintu qarax la beegsadeen gaari uu la socday taliyaha ilaalada xarumaha dowlada ridada ee magaalada muqdisho kaasi oo lagu magacaabo maxamed daahir, Waxa uu qaraxa ka dhacay KM4.
Murtadka la beegsaday oo mar soo noqday taliyaha booliska qeybta wiliyow cadde ayaa si dirqi ah kaga badbaaday qaraxa la doonayay in isaga lagu dila balse waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo ilaaladiisa ah.
Dhanka wilaayada shabeelada dhexe dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa murtadiinta ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo raage ceelle, Iyadoo dagaaladaas si xun loogu jabiyay askarta dowlada federaalka.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaaladaas lagu dilay shan askari oo murtadiin ah 13-kalane waa lagu dhaawacay.
Dhanka Jubbooyinka waxey ciidamada Mujaahidiintu howlgal isugu jira qarax iyo kamiin la beegsadeen kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka ridada oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani.
Mujaahidiintu waxey weerarkan ku gubeen labo gaari oo kolanyada qeyb ka aheed waxeyna ku dileen sagaal askari oo murtadiin ah.
Weeraradan khasaaraha culus lagu gaarsiiyay askarta ridada waxey kusoo aadayaan xilli habeenkii xalay ciidamada Mujaahidiintu dagaallo culus ku qaadeen saldhigyada Kufaarta Kenya iyo kuwa Ugandha ee deegaanada Cabdalle biroole iyo Arbacow ee shabeelada hoose iyo jubbooyinka, Waxaana sidoo kale la weeraray isbaarada murtadiinta ee deegaanka siinka dheer ee duleedka Muqdisho.
Calamada.com