Habeen hore saqdii dhexe waxaa duleedka magaalada Middelburg ee dalka South Africa ka dhacay, shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo nooca Raaxda ah, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday labo nin oo Soomaali ah.
Labada qof midkood oo ah ruuxa dhintay waa nin lagu magacaabijiray Abuukar maxamad Ilkacase oo ku magac-dheeraa (Abuukar Ceeyrow) halka midka dhaawacmayna magaciisa lagu soo koobay Carab Saruur.
Sawiro la baahiyay oo muujinaya goobta uu shilku ka dhacay, ayaa lagu arkayaa labada gaari oo midkood si daran u burburay.
Dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah meelaha ay Soomaalidu ganacsiga u joogaan, waxayna mararka qaar la kulmaan shilal dhimasho iyo dhaawac sababa, marka laga yimaado dilalka loogu geysto gudaha wadankaasi.