Tan iyo intii saliibiga hor-joogaha ka ah Maraykanka ee Donald Trump uu sida tooska ah u bilaabay inuu si gaar ah u beegsado muslimiinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkaasi, waxaa soo baxaya warar sheegaya in durtaba ku dhawaad boqol qof oo Soomaali ah lagu soo oogay kiisas been-abuur ah.
Afhayeenka aqalka cad ee looga taliyo dawladda Saliibiyadda Maraykanka haweenayda lagu magacaabo Karoline Leavitt, ayaa shaacisay in eedaysaneyaashan Soomaalida ah ay ku caddaatay in lacago malaayiin Dollar ah ay ka dhaceen gobolka Minnesota.
Waxay sheegtay in Soomaalidu ay ku xad-gudbeen nidaamka Maraykanka, isla markaana ay lunsadeen khayraadkii loogu talo-galay muwaadiniinta Maraykanka. Iyadoo intaas raacisay in madaxweyne Trump arrintan mar dambe aanu aqbali doonin.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa haddana mar kale madaxweynaha Maraykanku uu ku celiyey hadalladiisii isugu jiray nacaybka, goodiska iyo aflagaada ee maalmahan uu sida joogtada ah u caadaystay inuu si gaar ah ugu bartilmaameedsado ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool gudaha dalka Maraykanka.
Waxa uu sheegay saliibigani, in Soomaalidu ay aad u xun yihiin dad iyo dalba, isla markaana meelo bahalo-galeen ah ay ka dhigeen qaybo ka mida dalka Maraykanka.
“Fiiri sida uu dalkoodu u xun yahay, xitaa dal ma aha, waa dad iska socda oo is dilaya, fiiri Soomaalidu waxay waddankeena ka dhaceen balaayiin Dollar, Waa in dalka laga saaraa gebi ahaanba. Dadkaas badankoodu waxay burburiyeen Minnesota. Gobolkii quruxda badnaa ee Minnesota hadda wuxuu noqday meel bahalo-galeen ah. Waddankeennii waa ay burburiyeen, waa in ay ka baxaan dalka Maraykanka” ayuu yiri Trump.
Saliibigani intaasi kuma ekaane waxa uu haddana aflagaado hor leh kala soo baxay jeebkiisa, isagoo ku tilmaamay dalka Soomaaliya midka ugu xun adduunka oo dhan.
“Soomaaliya waxay dad badan u arkaan inay tahay dalka ugu xun dunida. Anigu ma aqaan, weligayna ma aan tegin Soomaaliya, mana tegi doono sidaan rajaynayo. laakiin waxa ay Soomaalidu ku sameeyeen gobolka Minnesota waa wax aan la rumaysan karin…” ayuu sii raaciyay.
Maalin ka hor ayay ahayd markii Donald Trump uu Soomaalida ku tilmaamay dad qashin iyo tuuggo ah, isla markaana uu soo saaray, amarro lagu faraayo ciidamada tarxiilka in ay sii laba-jibaaraan hawl-gallada qab-qabashada iyo tarxiilka isugu jira ee ay ka wadaan Minnesota oo ah gobol ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee ku dhaqan waddanka Maraykanka.