Jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa dhigay iskusoo baxyadii ugu ballaarnaa oo ay ku diidanyihiin ciidamo taabacsan maamulka Donald Trump kuwaas oo dilal iyo qafaal ku haya shacabka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya gobolka Minnesota ayaa sheegaya in tobanaan kun qof soomaali ah ay mudaaharaad ka dhan ah maleeshiyaadka ICE ka dhigeen magaalada Miniyaabulis.
Hoggaamiyaasha jaaliyadda soomaalida ayaa fagaraayaasha ka sheegay in Donald Trump uu falal cunsuriyadeed oo cadaawad ku dheehantahay uu kula dhaqmayo shacabka Soomaaliyeed.
Dadka iskusoo baxay ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah ciidamada loogu yeero ICE ee dowladda Mareykanka uqaabilsan raafka iyo dilalka dad ay soomaalidu kamid tahay.
Dad caraysan oo soomaali ah ayaa mid kamida xaafadaha magaalada Miniyaabulis ka ceyriyay maleeshiyaad doonayay in ay dad ka raafaan, shacabka ayaa aad udhaleeceeyay dad soomaali ah oo xubno ka ah ciidamada loo yaqaan ICE.
Dhinaca kale gelinkii dambe ee shalay ayay ciidamada maamulka Trump waxay ruux loo malaynayo in uu yahay soomaali ku toogteen magaalada Miniyaabulis sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Boqolaal qof Soomaali ah ayaa kujira xabsiyada dalka Mareykanka kuwaas oo lafilayo in bilaha soo socda loosoo masaafuriyo dalal dhaca geeska qaaradda Afrika.