Sida ay wararku tibaaxayaan, tahriibeyaal ka kala socday waddamo Afrikaan ah oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa ku sigtay in ay qarqoomaan, kadib markii ay la kulmeen xaalad halis ah oo ka jirtay badweynta Mediterraneanka ee u dhexeysa qaaradaha Afrika, Yurub iyo Aasiya.
Tahriibeyaashan oo gaarayay 32 ruux ayaa la sheegay in muddo laba cisho ah ay ku dhex go’doonsanaayeen gudaha badda Mediterraneanka, waxaana Isniintii lasoo dhaafay la kulmay una gurmaday markab laga leeyahay waddanka Spain.
Shan qof oo ka mid ah tahriibeyaashani waxay ahaayeen dumar, kuwaas oo mid ka mid ah la sheegay inay ahayd hooyo xaamilo ah, halka 9 ruux oo kalena ay ahaayeen caruur yar yar oo da’doodu u dhaxayso 2 ilaa 15 sano jir.
Doonta ay tahriibayaashani ku safrayeen oo laga helay meel qiyaastii 90 mayl-badeed u jirta xeebaha Liibiya, ayaa la sheegay inay ahayd mid aad u jilicsan oo ka samaysan bacaha la buufiyo, taas oo badweynta dhex heehaabaysay muddo labo cisho ah.
Dhimashada tahriibeyaasha ka baxa xeebaha Liibiya ee naftooda ku halliga badweynta Mediterraneanka iyagoo kusii jeeda qaaradda Yurub, ayaa sare u kacday muddooyinkii u dambeeyey, waxaana la sheegay in qiyaastii 500 (Shan Boqol) oo tahriibe ay dhinteen labadii bilood ee u dambeeyey.