Taliska ciidanka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku faahfaahiyay howlgal Inghimaasi ah oo saaka ciidamada mujaahidiintu ka billaabeen xarun saraakiil iyo madaxya-weyn murtadiin ah ka abaabulayeen dagaal ka dhan ah shareecada islaamka oo kutaal magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Taliska ciidanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkan barakaysan Allaah fadligiis lagu dilay 20 xubnood oo murtadiin ah oo ay ku jiraan afar ka mid ah horjoogeyaashii u xilsaarnaa abaabulka duullaanka ka dhanka ah shareecada islaamka ee wilaayada Hiiraan, sidoo kale taliska ayaa faahfaahiyay dagaallo culus oo murtadiinta lagu jabiyay, kuwaasoo maanta ka dhacay deegaanka Bursha_Sheekh ee duleedka degmada Cadalle ee wilaayada Sh/dhexe.
Taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in ciidamada mujaahidiintu si adag uga hortegeen maleeshiyo murtadiin ah oo ay hawada ka taageerayeen diyaaradaha saliibiyiinta, kuwaas oo ku sugnaa duleedka degmada
Cadale ee wilaayada Islaamiga ah ee Sh/dhexe, Dagaal muddo saacado ah qaatay kadibna, Allaah fadligiis halkaas lagu jebiyay maleeshiyadii murtadiinta, goobtana murtadiinta looga 18 murtad oo 10 ka mid ah ay maydadkooda fagaaraha uga carareen, halka dhaawucu uu gaarayo in ka badan 30 murtad.
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka Taliska Oo Dhammaystiran.
Ama Hoos Ka Akhriso.