Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee wilaayada Shabeelada hoose waxey sheegayaan in isku day dil uu ka badbaaday taliyaha ciidanka dowlada federaalka ee degmadaas.
Kolanyo uu la socday Murtad korneel Maxamed Caraaye “Foofoo” oo ku socdaalayay wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wallanweyn.
Kamiinkan oo ahaa mid la doonayay in lagu dila taliyaha ayaa waxa uu Foofoo si dirqi ah kaga badbaaday isku dayga la doonayay in isaga lagu dila.
Weerarkan dhabba galka ah waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ee taliyaha maleeshiyaatka murtadiinta Afgooye.
Kamiinkan waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaadeen saldhiga kufaarta afrikaanta ee deegaanka Shalambood ee duleedka magaalada Marka.
Calamada.com