Taliyihii hore ee maleeshiyaadka Asluubta ee kooxd Riddada Soomaaliya Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Shubka, ayaa bixiyey Wareysi uu kaga warramayo xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah maamulka Koonfur Galbeed.
Ninka lagu magacaabo Shub ayaa ka dhawaajiyey in laba ruux la dilay kaddibna lagu gubay guriga Aadan Madoobe uu ku leeyahay magaalada Baydhabo isaga oo dilkaas ku eedeeyay Aadan Madoobaha ku magacaaban Guddoomiyaha Baarlamaanka Riddada.
Geesta kale waxa uu sheegay in maamulkii Laftagareen loo adeegsaday awood xad dhaaf ah oo ay Turkidu dabada ka riixayeen dagaalka.
Waxa kale oo uu sheegay in aanay dagaallamin ee ay magaaladii oo nabad ah ka baxeen haddana ciidankoodii ku sugan yihiin magaalada duleedkeeda.
Wuxuu dhanka kale ka sheekeeyay xariggiisii iyo in Xasan Sheekh horeyba u qorsheeyay in uu dagaal ku qaado KG isla markaana ay meesha ka saaraan Laftagareen. Markii KG maamulkeedii la burburiyeyna ay sii daayeen.
Inkasta oo Laftagareen uu qoraal iscasilaad ah soo dhigay, haddana Taliye Shub waxa uu sheegay in aanu taas aamminsanayn.