Qarax culus ayaa lala beegsaday gaari uu la socday taliyaha Booliska degmada Afgooye ee Wilaayada Shabeelada hoose.
Qaraxan waxa uu ka dhacay wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, Iyadoona faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay qaraxaas.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa lagu dilay taliyihii maleeshiyaatka booliska kooxda Ridada ee degmada Afgooye Murtadka lagu magacaabo Cabdi Qaadir Cusmaan Nuunow.
Taliyaha waxaa lala dilay Shan askari oo boolis ah sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay Afar askari, Iyadoona uu burburay gaarigii Cabdi Bilaha ee taliyaha iyo maleeshiyaatkiisa la socdeen.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax ka dhacay gudaha degmada Afgooye ay ku dhaawacmeen Shan askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowladda Ridada federaalka.
Calamada.com
Guul ayaan leyhy