Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta u ah gobolka Nugaal, sidoo kalena ah xarunta maamulka Riddada Puntland, ayaa sheegaya in ugu yaraan laba askari la dilay, halka kuwa kalena la dhaawacay, kaddib toogasho ka dhacday magaaladaasi.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Garoowe ayaa sheegay in askari ka tirsan maamulka Siciid Deni uu toogasho ku dilay askar kale oo ka tirsan isla kuwa maamulkaasi, si gaar ahna uga tirsanaa maleeshiyada Riddada ee ka howlgala Garoowe.
Askariga oo hubeysanaa ayaa la sheegay in uu rassaas ku furay askarta kale, waxayna taas keentay inay goobta ku dhintaan ugu yaraan 2 askari, wararka qaar waxay khasaaraha dhimasho ee askarta gaarsiiyaan ilaa saddex askari.
Askar kale iyo qof shacab ah ayaa sidoo kale lasoo wariyay in ay dhaawacyo ku noqdeen toogashada uu gaystay askarigan ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka Puntland.
Wararka qaar waxay sheegayaan in dilka askartan uu yimid kaddib markii maleeshiyaadka Riddada ee ka howlgala Garoowe ay xareeyeen bajaaj uu watay askariga dilka gaystay, taasoo keentay in uu ka caroodo tallaabada lagu xareeyay bajaajta uu watay, sidaas na uu toogashada ku gaystay.
Isku dhaca dhexmara maleeshiyaadka maamul goboleedyada Riddada ah iyo kuwa kooxda Riddada Somalia, ayaa joogta ka ah magaalooyinka ay gacanta ku hayaan cadowgu, waxayna badanaa isku qabtaan lacago baad ah oo ay kala boobayaan.