Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • TPLF Oo Ciidanka Abiy Ugu Baaqday Inay Deg-deg Uga Baxaan Gobolka Tigrey.
  • Allposts
  • Warar

TPLF Oo Ciidanka Abiy Ugu Baaqday Inay Deg-deg Uga Baxaan Gobolka Tigrey.

September 29, 2025

Xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada ahliga ah ee ka holcaya wadanka itoobiya ayay mid kamida jabhadaha mucaaradka ugu tunka weyn wadankaasi waxay soo saartay war ka dhan ah taliska Abiy Axmed.

Jabhadda Xoraynta Dadka Tigreega ee loo yaqaan TPLF ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegayso in dawladda Xabashida Itoobiya ku guul-daraysatay fulinta heshiiskii Pretoria ee lagu joojiyey dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay waqooyiga wadankaasi.

Inta badan qodobadii heshiiskan ayay TPLF sheegtay in maamulka Addis Ababa uu buriyey kuwaas oo waxyaabihii uu dhigayay ay ka mid ahaayeen ballan-qaad nabadeed, soo celinta barakacayaasha iyo saarista ciidamada Federaaliga ee qabsaday deggaannadaasi.

Waxay xustay TPLF in Kumanaan qof oo barakacayaal ah ay ku dhibaataysanyihiin galbeedka Tigray islamarkaana ay lasoo deristay cunto la’aan, daawo la’aan, hoy la’aan, ammaan la’aan, iyo sharaf la’aan iyo sidoo kale dhibaatooyin kale oo si maalinle ah ay ula kulmaan dadka xabashida Tigreega.

Dhibaatooyinkaasi baaxadda leh ayay TPLF ka dhawaajisay inay kasii darayaan marba marka ka dambaysay, isla markaana ciidamada Itoobiya ay sii wadaan xasuuqqa aamusan ee ay ku hayaan bulshadda Tigreega iyo qabsashada dhulkooda.

“Muddo 5 sano ah Boqollaal Kun ayaa ku dhintay xeryaha barakacayaasha sababo la xiriira gaajo, cudurro, dayac, iyo difaac la’aan. Waa falal nidaamsan oo si ula-kac ah loo fulinayo, iyadoo loogu soo gabbanayo magaca “Nabadda”. Waana calaamad muujinaysa burburin iyo baabi’in toos ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda TPLF. ee mucaaradka ah.

Jabhadda Tigreega waxay ku baaqday in ciidanka millateriga Abiy Axmed si deg-deg ah looga saaro deggaannada ay qabsadeen ee gobolka Tigrey, si loo soo afjaro ayay yiraahdeen dhibaatada baaxadda leh ee ay ku hayeen shacabka Tigrey, barakacayaashuna usoo laabtaan.

Saraakiil katirsan xukuumadda Addis Ababa ayaa u arka baaqan kasoo yeeray jabhadda Tigreega ee mucaaradka ah mid udhiga dagaal iclaamin dadban waxayna ganafka ku dhufteen in ciidamada Federaaliga ah laga saaro waqooyiga Itoobiya.

Sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay ayay dowladda Xabashida sodomeeyo kun oo askari ku daad guraynaysay gobolkan si ay isugu diyaariso dagaal lagu hoobto oo ay lagasho ciidanka Ereteriya oo qeyb uga sugan ismaamulka Tigray.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -07-04-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -08-04-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus {Xalqada 14-aad}.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus {Xalqada 14-aad}.

March 4, 2026
Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Laftagareen Oo Ku Biiray Mucaaradka Hubeysan.
  • Allposts
  • Warar

Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Laftagareen Oo Ku Biiray Mucaaradka Hubeysan.

March 4, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 15-09-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 15-09-1447-Hijri.

March 4, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada