Madaxweynaha dowladda saliibiyadda Maraykanka gaal Donald Trump, ayaa soo bandhigay sawirkiisa isagoo isku ekeysiiyay baadari, kaasi oo si wayn u qabsaday baraha bulshada sidoo kalena hadal-hayn ka dhaliyay barahaasi.
Wakaaladda wararka ee Anaadool ayaa sheegtay in sawirka la faafiyay oo ah mid lagu sameeyay (AI) ama garaadka macmalka ah uu muujinayo Trump oo xiran dharka lagu yaqaanno baadariga, qoortana u suran yahay saliibka.
Donald Trump ayaa sawirkan ku faafiay bartiisa gaarka ee Internet-ka isagoo aan raacin wax tacliiq ah, waxaa sidoo kale lagu sii faafiyay barta rasmiga ah ee Aqalka cad uu ku leeyahay X(Ekis) oo horay loo oran jiray Twitter.
Sawirka uu faafiyay madaxweynaha dowladda saliibiyadda Maraykanka, ayaa kusoo beegmaya xilli Donlad Trump uu dhowaan sheegay inuu doonayo in uu noqdo baadari, taasina ay tahay doorashiisa koowaad, hadalkan ayuu Trump ku dhawaaqay kaddib geerida baadarigii ugu sarreeyey Kirishtanka ee Pope Francis.