Dowladda Saliibiyadda Maraykanka ee majaraha uu u hayo Gaal Donald Trump ayaa shaacisay in fiisaha socdaalka ay ka joojinayso 75 waddan oo ay ku jiro Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Trump ayaa lagu sheegay in Maraykanku soo af-jari doono wax uu ku sheegay ku-takrifalka nidaamka dal-ku-galka.
Nidaamkan oo ah ogolaanshaha joogtada ah ee dal-ku-galka ayay wasaaraddu xustay inay kusoo hoos dhuunteen dad doonaya inay dhacaan hantida shacabka Maraykanka.
Amarkani oo lasoo saaray Arbacadii shalay ayaa lagu faray saraakiisha qunsuliyadaha iney hakad geliyaan codsiyada fiisayaasha wadamo dadkooda loo arko iney culays ku yihiin dowlada Maraykanka.
Tallaabadan, oo dhaqan-galka fulinteedu ay ku astaysan tahay 21-ka bishan lagu jiro ee Janaayo, ayaa dalalka ay saamaynayso waxaa ka mid ah Soomaaliya, Itoobiya, Suudaan , Eretriya, iyo Afganistaan
Go’aankan oo qayb ka ah dedaallo lagu adkeynayo socdaalka, ayaa kusoo aaday xilli Trump iyo kooxdiisu ay wadaan ol’ole ballaaran oo ka dhan ah Soomaalida ku dhaqan waddanka Maraykanka.