Madaxweynaha dowladda saliibiyadd Maraykanka, gaal Donald Trump ayaa buriyay xeer cadeynayay inaan dalkooda dib loogu soo celin karin Soomaalida qaxootiga ku ah waddankiisa.
Trump ayaa warkan ku caddeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Truth Social, wuxuuna tilmaamay in qaar la mid ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ku howlanyihiin waxa uu ugu yeeray argagaxisinimo, sidaas darteena lama huraan tahay inay tallaabo qaadaan.
Gaal Trump ayaa si aan ka leexleexad lahayn u tilmaamay in waddankooda dib loogu celin doono dadkaasi oo uu ula jeedo Soomaalida, ninkan ayaa marar badan adkeeyay oo kusoo celceliyay in dadka Soomaalida uu tarxiilayo.
Muddo xileedkiisii hore ayaa la sheegay in Mareykanka laga soo tarxiilay 4 kun oo qof oo Soomaali u badan, wuxuu Soomaalida u arkaa kuwa caqabad ku ah dhaqaalaha Mareykanka, waxayna Soomalaida ugu badan ee ku nool Mareykanka daggan-yihiin gobolka Minnesota.