Madaxweynaha dowladda Mareykanka ayaa walaac ballaaran ka muujiyay awoodda ay dagaalyahanada Xarakada Islaamiga Taliban ay ku leeyihiin gudaha Afghanistan.
Donald Trump oo khudbad jeedinayay ayaa saraakiishiisa u sheegay in Taliban ay aad udhiiranyihiin ayna ku raaxaystaan dagaallada, isagoo hadlayay ayuu sheegay in Mujaahidiinta Taliban ay dagaallada u jecelyihiin sida ay Amerikaanku ujecelyihiin daawashada Kubadda Cagta.