Dowladda Riddada Turkiga, ayaa Soomaaliya kusoo xirtay markabkeeda u qaabilsan qodista shidaalka ee lagu magacaabo Çağrı Bey (Jaari Bey), kaas oo tan iyo bishii Febraayo kusoo jiray safarka dhanka badda ah.
Markabkan oo 15-kii Febraayo kasoo shiraacday dekadda magaalada Mersin ee dalka Turkiga, ayaa soo galay safar qaatay muddo 53 cisho ah, wuxuuna ugu dambayn kusoo xirtay dekadda magaalada Muqdisho, halkaas oo shalay laga sagootiyay.
Madaxda kooxda Riddada Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan murtad Xasan Gurguurte iyo wasiirkiisa koowaad Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda markabkaasi lagu soo dhaweynayay, waxayna ku faaneen imaanshaha markabka oo qayb ka ah heshiisyada sharci darrada ah ee lagu boobayo khayraadka umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.
Munaasabadda waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay dowladda Riddada Turkiga, oo uu ugu horreeyay wasiirka Tamarta, Alparslan Bayraktar, kaasi oo sheegay in dowladdiisu shidaal qodis ku billowday biyaha Soomaaliya.
Markabkan, ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 10-kii April laga sagootiyay dekadda magaalada Muqdisho, isaga oo ku jihaystay goobaha ay dowladdan horay usii sahansatay ee ay ka buuxaan khayraadka shidaalka.
Ceelka 1-aad ee markabkan uu shidaal qodista ka billaabayo ayaa la sheegay in uu kuyaallo meel 372 kiiloomitir u jirta xeebaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna tani qayb ka tahay boobka lagu hayo khayraadka uu Allaah ku manneystay umadda Soomaaliyeed.