Ugu yaraan 40 qof oo tahriibeyaal ah, kana soo jeeda waddamada Afrika ee ka hooseeya Saxaraha ayaa geeriyooday kadib markii Doon ay saarnaayeen ay Arbacadii shalay ku degtay xeebaha dalka Tuunis ee waqooyiga Afrika.
Mas’uul u hadlay dawladda Tuunis oo dhacdadan xaqiijiyey ayaa sheegay in tani ay ka mid tahay musiibooyinka ugu dhimashada badan dhinaca badda ee sannadkan ka dhacay gobolka.
Sarkaalkan Tuunisiyaanka ah ayaa intaa ku daray in doonida oo ay la socdeen ku dhawaad 70 qof oo tahriibayaal ah ay ku degtay meel u dhow magaalo-xeebeedka Mahdiya, halka 30 qof-na ay soo badbaadeen.
Tuunis ayaa noqotay marinka ugu weyn ee tahriibayaasha ee u socda dalalka Yurub, gaar ahaan jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, taasoo qiyaastii 150 KM u jirta xeebaha Tuunis.