Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal naf hurnimo oo maanta ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Federaalka kasoo gaaray illaa laba qarax oo lagula beegsaday saldhigga melleteri ee dhowaan ay ka sameysteen Awdheegle.
Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 50 askari ay ku dhinteen weeraradii maanta waxaana dadka dhintay kamid ah saraakiil sarsare oo hoggaaminaysay ciidamadii dhowaan ku duulay deegaanno katirsan Sh/Hoose.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in saraakiisha lagu dilay weeraradii maanta uu kamid yahay taliyihii heystay ciidamada Awdheegle waxaa sidoo kale dhaawacay saraakiil kale oo ubadan ciidamadii lagusoo tababaray xerada Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa 2aad ee lagu beegsaday xerada Melleteri ayaa sababay burburka 8 gaari oo nuuca dagaalka ah kuwaas oo 5 kamid ah ay yihiin gaadiidka gaashaaman ee xabaddu karin.
Wararka ayaa intaas ku daraya in weerar gaadma ah oo ciidamada lugta Al Shabaab ay ku qaadeen saldhigga melleteri daqiiqado kadib markii ay qaraxyadu dhaceen uu sababay in ladhameystiro qaar badan oo kamid ah ciidamadii dhaawacmay.