Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada dowladda Kenya kasoo gaaray qarax xooggan oo maanta lagula beegsaday gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.
Wararka ka imaanaya gobolka Gaarisa ayaa sheegaya in qaraxa miino lala eegtay gaari Kooyal ah oo ay la socdeen ciidanka Kenya xilli ay socdaalayeen wadada xiriirisa deegaanka Kulan iyo Libooye Kenya.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ugu yaraan 10 askari ay ku dhinteen qaraxa tira kalane ay ku dhaawacmeen.
Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka Melleteriga Kenya oo ku aaddan qaraxan khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay duleedka deegaanka Libooya.