Warbixin ay soo bandhigtay warbaahinta Al-Jazeera ayaa bannaanka keentay, siyaasad aad u fool-xun oo laba-wajiileyn ah oo dawladda Ingiriisku ay kula dhaqanto dalalka Suudaan iyo Soomaaliya.
Waxay xustay warbixintu in hadalka iyo ficilka dawladda Ingiriisku aanu is-waafaqsanayn, marka loo fiiriyo hab-dhaqanka ay kula macaamisho dalalak Soomaaliya iyo Suudaan.
Xasuuqqa iyo dhibaatooyinka lagu hayo rayidka Suudaan, ayay warbixintu sheegtay in dalka Ingiriisku uu cambaareeyey, haddana dhanka kale uu diidday in la qaado tallaabooyin looga hor-tegi lahaa xad-gudubyadaasi xilli RSF ay xasuuqyo ka geysanayeen Darfur.
Falanqeeyayaal ay soo xigatay A-Jazeera ayaa dawladda UK ku eedeeyey, inay si dadban u fududeysay ama u qarisay xadgudubyada ay geysteen RSF, gaar ahaan marka la eego eedeymaha taageerada Imaaraadka ee maleeshiyaadkaasi.
Dhinaca kale, Ingiriisku wuxuu si rasmiya u taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya, balse haddana waxay maalgashi ganacsi ku leedahay Dekedda Berbera ee Somaliland oo aanay aqoonsanayn, iyadoo dekedda Berbera ku jirta shabakad ganacsi iyo amni oo Imaaraadku uu leeyahay.
Khubaro warbaahintu ay soo xigatay ayaa sheegay in hab-dhaqanka Ingiriisku uu yahay siyaasad laba-wajiileyn ah, maadaama uu diblomaasi ahaan taageero maamulka Gurguurte, dhaqan ahaan ama ganacsi ahaanna la shaqeeyo maamulka Cirro.