Taliska ciidanka mujaahidiinta, ayaa goordhow warsaxaafadeed kasoo saaray weerar culus ciidamada mujaahidiintu ay maanta kala hortageen maleeshiyo murtadiin ah oo duullaan kusoo qaaday deegaano lagu maammulo shareecada Islaamka oo dhaca duleedka degmada Buurhakaba, taliska ciidanka ayaa sheegay in maleeshiyada Riddada ah oo ku hubaysnaa gaadiidka dagaalka ay isku deyeen inay dhibaateeyaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan deegaanada Mooda-moode iyo Daynuunaay, balse falalkooda guracan si adag uga hortegeen ciidanka Mujaahidiinta.
Khasaare culus oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid, ayuu talisku xaqiijiyay in la gaarsiiyay Riddada, waxaana dhimashada murtadiinta inta la hubiyay ay tahay 15 askari iyo dhaawaca 23 kale, gaadiid ayaa la gubay, halka mujaahidiintu soo qaniimeysteen hub iyo rassaas.
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka Oo PDF Ah Ama Koos Ka Akhriso.
Dagaal ka dhacay dueeldka Buurhakaba