Dowladaha reergalbeedka gaar ahaan Mareykanka ayaa garaacaya durbaanka dullaan ka ah dowladda shiicada Iiraan, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Trump uu xusulduub xooggan ugu jiro sidii uu tallaab uga qaadi lahaa hoggaanka iirraan.
marka lagasoo tago Mareykanka dowladaha reer Yurub ayaa dhanka sahanka iyo sirdoonka ka caawinaya duullaanka sida ay faafinayaan wargeysyada ugu afka dheer Mareykanka.
Wargeyska New York Times ayaa isagoo soo xiganaya masuuliyiin Iiraaniyiin ah sheegay in Hoggaamiyaha Sare ee shiicada Cali Khumeyni uu 9-kii Janaayo ku amray Golaha Sare ee Amniga Qaranka in mudaharaadyada lagu cabburiyo si kasta oo suurtagal ah.
Majaladda the Time ayaa 25-kii Janaayo ka soo xigatay masuuliyiin sar-sare oo Iiraaniyiin ah in illaa 30,000 oo qof laga yaabo in lagu dilay mudaaharaadyadii ka dhacay dalka.
Wararkan lasoo dusiyay wuxuu muujinayaa jiritaanka mucaaradnimo ka dhex jirta nidaamka talada haya oo ka soo horjeedda siyaasaddan adag ee ay isticmaalayaan hoggaamiyaasha ciidanka ilaalada kacaanka.
Adeegga internet-ka ayaa weli go’an tan iyo 8-dii Janaayo, iyadoo dood adag ay ka dhex aloosan tahay laba garab oo nidaamka ka tirsan: midka koowaad wuxuu aaminsan yahay in dib-u-soo-celinta internet-ka ay horseedi karto dib-u-billowga mudaharaadyada, halka kan labaad uu ku doodayo in cawaaqibta dhaqaale ee ka dhalanaysa go’itaanka internet-ka ay sababi karto qalalaase gudaha ah.
Falanqeeyaha Iiraani ah ee nidaamka taageersan, Mustafa Najafi, ayaa sheegay in mudaharaadyadii ugu dambeeyay ay matalayaan jiho sii xoogaysanaysa, wuxuuna ku tilmaamay mowjadihii mudaaharaad ee billowday sannadkii 2017-kii inay ahaayeen “qaraxyo isdaba-joog ah oo ka dhashay caro dhismeed oo aan xal loo helin”.
Wuxuu xusay in mowjad kasta oo mudaharaad ahi ay “isku darsato dalabyo aan la fulin”, taasoo muujinaysa in ku guul-darraysiga nidaamka ee wax ka qabashada dalabaadka shacabka ama bixinta tanaasul kadib mudaharaadyada ay sii xoojinayso caro-weynaha isla markaana ay kordhinayso kalsooni-darrada lagu qabo nidaamka.
Wargeyska Washingtonpost ayaa isna sheegay in dadkii ku dhintay dibad baxyadii iiraan ay kor udhaafi karaan 10-kun oo ruux marka la eego tirakoobyada ka imaanaya hoggaamiyaasha mucaaradka dibad joogga ah.