Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey saaka weerar qorsheysan ku qaadeen Kontaroolka degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada dhexe halkaasi oo fariisin ay u tahay maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Hirshabeelle.
Ciidamada Mujaahidinta ayaa dhowr jiha ka weeraray fariisinka, Iyadoo dagaalka markii muddo kooban socday maleeshiyaatka Murtadiinta ay goobta isaga carareen.
Ciidamada Mujaahidiinta oo la wareegay gacan ku heynta Kontoroolka ayaa gacanta ku dhigay Labo Qori iyo Booshashkooda waxeyna dagaalkan Mujaahidiinta ku dileen Saddex askari oo ah maleeshiyaatkii Murtadiinta ee Cotrolkaasi ku sugnaa.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada Mujaahidiinta Saacadihii lasoo dhaafay Labo weerar ay ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo kuwaasi oo ay la beegsadeen maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Konfur Galbeed.
Hal askari oo ka tirsan maleeshiyaarka Ridada ayaa lagu dilay mid kalane waa lagu dhaawacay weeraradan ka dhacay duleedka Baydhabo.
Calamada.com