Middle East Monitor oo ah warbaahin fadhigeedu yahay yahay dalka Ingiriiska, gaar ahaan London, ayaa baahisay maqaal looga hadlay ujeedooyinka uu maamulka Yahuuddu u aqoonsaday maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Qormadu waxay ku doodaysaa in aqoonsiga Somaliland ee Yahuuddu uusan ahayn tallaabo diblomaasiyadeed oo caadi ah, balse uu yahay hub juqraafi-siyaasadeed oo si ula kac ah loogu adeegsanayo danaha istiraatiijiyadeed ee Sahaayinada.
Qoraalku wuxuu tilmaamayaa in Yahuuddu ay ka dhigeyso aqoonsiga dawladnimo loo adeegsanayo ganacsi siyaasadeed, iyadoo abaalmarin siinaysa goosashada marka ay u adeegto dano shisheeye, isla markaana iska indhatiraysa sharciyadda caalamiga ah marka ay carqalad noqoto.
Waxaa la adkeeyay in aqoonsigani yahay qayb ka mid ah istiraatiijiyad ballaaran oo Yahuuddu ku doonayso ballaarinta saameynta milatari iyo sirdoon, gaar ahaan Geeska Afrika, iyadoo doonaysa inay gacanta ku dhigto marin-biyoodka istiraatiijiga ah sida Gacanka Cadmeed, Baabal-Mandab, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, kuwaas oo muhiim u ah ganacsiga iyo amniga Yahuudda.
Waxa ay qormadu hoosta ka xariiqday, in Sahaayinadu ay u danaynayso adeegsiga dekedda iyo garoonka Berbera si ay ula socoto dhaq-dhaqaaqqa Baabal-Mandab iyo Badda Cas, una yareyso ku tiirsanaanta marinno kale, taas oo yeelan karta saameyn istiraatiiji ah oo ku saabsan Iran iyo colaadaha ka socda Yemen, gaar ahaan Xuutiyiinta.
Sidoo kale waxa la la tilmaamay, in aqoonsiga Yahuudda ee Somaliland uu muujinayo isku ekaansho gumeysi, maadaama Sahaayinadu ay aqoonsanayso maamul lagu tilmaamay mid ku dhashay qaab gumeysi, halka iyaduna taariikh ahaan ku dhisantahay qaybin gumeysi iyo barakicin dad asal ah. Sidaas darteed tallaabadan loo arko gumeysi aqoonsanaya gumeysi kale.
Ugu dambayn qormadu, waxay xustay in tallaabada Yahuuddu tahay mid kala-qaybin ah oo aan u adeegayn mustaqbalka Somaliland, halka go’aankani uu u adeegayo oo kaliya danaha istiraatiijiga ah ee Yahuudda, taasoo gobolka kusoo kordhin karta khilaaf iyo xasillooni-darro aad u xooggan.