Ciidamada mujaahidiinta Jamaacada Nusratul islaam Wal Muslimiin ayaa weerar xasmin ah ku qaaday mid ka mid ah saldhigyada ciidan ee maleeshiyaadka xukuumadda dabadhilifka ah ee Maali.
Weerarkaan oo dhacay maalinkii jimcaha ayeey mujaahidiintu dhowr jihi dullaan kaga qaadeen fariisimaha ciidan ee maleeshiyaadka xukuumadda Boomaako, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo saacado ah.
Allaah fadligiis ciidamada mujaahidiinta ayaa markii dambe si rasmi ah ula wareegay saldhiggaasi, iyadoo goobta dagaalka ay isaga firxadeen maleeshiyadii la weeraray.
Bayaan kasoo baxay Jamaacada nusratul islaam Wal Muslimiin ayaa lagu sheegay in weerarkaasi mujaahidiintu ay ku dileen inka badan 40 askari islamarkaana lagu dhaawacay 100 kale.
Bayaanka waxaa la socday sawirro kooban oo muujinaya sida weerarku u dhacay, waxaanu weerarkan qayb ka yahay silsilado weeraro ah oo ciidamada mujaahidiinta Nusratul Islaam ku beegsanayeen maleeshiyada Riddada Maali.
Weerarkaan ayaa imaanaya iyadoo dhanka kale weli magaallada caasimada ah ee Boomaako ay go’doomin ku haayaan ciidamada mujaahidiinta, kuwaas oo u jira dhowr kiilomitir.
Xukuumada milatari ee dalkaasi ka dhisan ayaa wajahaysa masiir mugdi ah , iyadoo warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ay sheegayaan in Nusratul Islaam Wal Muslimiin ay ku dhowdahay in caasimadda ay gacanta ku dhigto, Boomaakana ay noqonayso caasimaddii ugu horraysay ee uu la wareego ururweynaha Al-qaacidda.
Hoos ka akhriso Bayaanka, kana daawo sawirrada weerarka.
