Wargeyska Al-Bawwaaba News oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer dalka Masar ayaa warbixin ka qoray horumarka mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaanu sheegay in geesiyada Tawxiidku ay haatan wadaan hawl-gal ballaaran oo deggaanno badan ay kaga sifeeyeen maleeshiyaadka riddada Soomaaliya.
Hawl-galkan ayuu wargeysku sheegay in uu mugdi geliyey masiirka kooxda riddada, isla markaana uu muujiyey sare u kaca awoodda mujaahidiinta, oo muddo ku dhow labaatan sano dagaal aan loo kala harin kula jiray isbahaysiga kuffaarta caalamka iyo daba-dhilifyadooda Soomaaliya.
Weerarradii cag-marinta ahaa ee geesiyada tawxiidku ay kula wareegeen magaalooyinka Moqokori iyo Maxaas ayuu Wargeysku soo hadal-qaaday, waxaanu ka dhawaajiyey in weerarradaasi ay soo af-jareen duullaankii ashahaado-la-dirirnimo ee Murtad Gurguurte uu kusoo qaaday deggaannada laga hir-geliyey ku-dhaqanka shareecada Islaamka.
Wargeysku waxa uu ka sanqariyey in labadii bilood ee u dambeeyey ay mujaahidiintu isku fidiyeen deggaanno badan oo istaraatiijiya, haatanna ay kusii siqayaan deggaanno hor leh, xilli taageeradii kuffaarta caalamku ay ku barbar taagnayd kooxda riddada Soomaaliya ay meesha kasii baxayso.
“Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ayaa si tartiib tartiib ah ugu fiday dhulka Soomaaliya, iyadoo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu soo maray isbeddello labaatan sano gudahood…” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska Al-Bawwaaba News. Waxaanu intaa raaciyey in haatan ay halis ku jirto farahana kasii baxayso xaaladda amni ee kooxda riddada Soomaaliya.
Warbixintan oo wargeysku baahiyey talaadadii shalay, ayaa sidoo kale lagu xusay in taqaddumka mujaahidiintu uu yahay mid aan loo babac-dhigi karayn, maadaama ayuu yiri duqaymihii diyaaradaha Maraykanka iyo weliba dowladaha kale saliibiyiintu ay muddada badan ka wadeen Soomaaliya ay hor-joogsan waayeen horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsanayaan mujaahidiinta Al-shabaab.