The Reporter oo ah wargeys Itoobiyaan ah ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro walaac xooggan oo isa soo taraya oo ku saabsan suurto-galnimada dagaal gudaha gacan-ka-hadal ah oo gudaha Soomaaliya ku dhex-mara ciidamada labada waddan ee Masar iyo Itoobiya.
Warbixin uu wargeysku daabacay Sabtidii shalay ayuu ku sheegay in dowladda Riddada Masar ay ku hawllan tahay dhamaystirka diyaarinta ciidamo militari ah oo ay doonayso inay u dirto Soomaaliya, si ay uga qayb uga noqdaan hawl-galka AUSSOM.
Wefti millateri oo ka socda Masar oo dhawaan u safray magaalada Muqdisho ayuu wargeysku tilmaamay in booqashadoodu ku soo beegantay xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Masar kadib markii bishii hore xariga laga jaray biyo xireenka Al-Nahda, kaas oo ay Qaahira sheegtay in khatar uu ku yahay noloshooda.
Saanad millateri oo bishii Agoosto 2024 ay Qaahira ka dejisay magaalada Muqdisho, ayuu wargeysku xusay in Falanqeeyayaashu ay ka muujiyeen walaac aad u xooggan, iyagoo ka digay suuragalnimada dagaal-wakaaladeed Itoobiya iyo Masar ku dhex-mara gudaha Soomaaliya.
Walaacan ay xeel-dheerayaashu ka qabaan dagaal Itoobiya iyo Masar ku dhex-mara gudaha Soomaaliya ayuu wargeysku carabaabay in mar kale uu soo cusboonaaday kadib markii uu soo if-baxay damaca Qaahira ay ku rabto in ay kaga qayb-qaadato hawl-galka AUSSOM oo haatan wajahaya caqabado dhaqaale oo khatar weyn ku ah sii socoshadiisa.