Waxaa isasoo taraya caddeymaha laxiriira in dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta ay saldhig weyn oo melleteri ka sameysatay magaalada ugu weyn gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.
Cabdi Saciid Muuse Cali oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda kooxda Riddada iyo taliyihii amniga ee Farmaajo ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso uu noqday buunddo dhanka hawada ah oo isku xirta Imaaraatka Carabta iyo galbeedka Suudaan.
Qoraal uu baraha Internetka ku faafiyay iyo wareysiyo uu bixiyay ayuu sharraxaad dheeraad ah uga bixiyay qaabka Imaaraatku u adeegsado garoonka iyo dekadda Boosaaso.
Ugu horrayn wuxuu sheegay in shixnado hub ah uu Imaaraatku kasoo dejiyo marsada caalamiga Boosaaso kadibna uu ku raro diyaarado waaweyn oo garoonka soo caga dhigta.
Diyaaradahan xamuulka oo ah nuuca Ruushku farsameeyo ayaa hubka ay Soomaaliya ka daabulaan loogu talagalay maleeshiyaadka Janjawiidka ka dejiya garoonka magaalada Niyaala ee gobolka Daarfoor.
Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa qiray in calooshood ushaqeystayaal iyo hub Imaaraatku leeyahay si joogta ah looga daabulo madaarka Boosaaso oo hadda ah marinka ugu muhiimsan ee Imaaraaku uu ka maamulo dagaalka uu uga jiro dalka Suudaan.
Xasuuqii bishii hore ka dhacay magaalada Al-Faasher ee gobolka Daarfoor ayaa iftiimiyay kaalinta garoonka Boosaaso ee dagaalka Suudaan iyadoo horay ay ujireen wararka sheegaya in dowladda Imaaraatka Carabta ay Soomaaliya ka hagto dagaalkeeda ashahaadda ladirirnimo ee ay ka waddo Suudaan.