Sida ay baahisay wargeyska afka dheer ee TIme, wasiirka arimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa qorsheyanaya inuu isaga tago xilka wasaaradda, bilaha soo socda.
Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil sar sare oo katirsan Aqalka cad ee Maraykanka iyo xubno katirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa hoosta ka xariiqay in Pompeo oo qorsheyanyo inuu isku casilo sida ugu dhaqsiyaha badan, kahor inta aan la gaarin guga soo socda.
Wuxuu doonayaa Mike Pompeo inuu isku soo sharaxo aqalka Congreska ee Maraykanka, isagoo matalaya gobolka Kansas ee Maraykanka.
Saddex xubin oo kamid ah aqalka Sentarada Marayknaka, kana socda xisbiga Jamhuuriga ayuu Mike Pompeo u sheegay qorshihiisa is casilaada, waxaana fakarkan uu kusii xoogeystay wixii ka dambeeyey markii ay soo baxeen fadeexadaha uu dhexda ka fadhiyo Trump oo ay kamid tahay qadiyadda Ukraine, iyadoo hadda ay socdaan olole lagu doonayo in lagu maxkamadeeyo.
Inta badan madaxda la shaqeysa Donald Trump ayaan ku qanacsaneyn nidaamka madaxweynaha, waxaana mid weliba uu doonayaa in sumcadiisa uu ilaashado, si uu isugu soo sharaxo doorashooyin kale.