Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyo ka tirsan murtadiinta.
Howlgalka oo ahaa dagaal toos ah waxay ciidamada mujaahidiinta ku qaadeen isbaaro ay maleeshiyaadka Riddada ah dhigteen duleedka degmada Afgooye, gaar ahaan halka loo yaqaano Cumar Beere, halkaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay murtadiinta.
Inta la hubiyay waxaa weerarkaan qorsheysan Allaah fadligiis lagu dilay 4 murtad oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal taliye urur ah oo magaciisa lagu soo koobay Gaandhari, halka lagu dhaawacay ilaa 5 kale oo murtadiinta ka tirsan.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen agagaarka deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho lagu dhaawacay 3 askari oo ka tirsan sirdoonka Riddada, kuwaasi oo 2 ka mida uu dhaawacoodu yahay garaab, waxayna maleeshiyadii Riddada ee howlgalkaas ku dhaawacmay kala yihiin, murtad Xasan Majaafo, Cabdullaahi Gacma-gaab iyo Cabdiraxmaan.