Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay qaybo ka mida gobolka Gedo lagula eegtay ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga gobolkaas.
Shabaabul Mujaahidiin ayaa 2 qarax oo waawayn ku weeraray kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo kasoo amba baxay saldhigga ay ku leeyihiin degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.
Ciidamada Mujaahidiinta oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa ciidamada Kenya ayaa duleedka magaaladaasi Ceel-Waaq waxay kula eegteen qarxyo culus oo khasaare kala duwan gaystay.
Inta la ogyahay ugu yaraan 7 askari ayaa lagu dilay qaraxii koowaad oo ka dhacay meel aan sidaas kaga fogayn sladhigga ciidanka kenya ee Ceel-waaq, waxaana isla goobta lagu gubay gaari nooca kuwa gaashaaman ah.
Weerar kale oo qarax ah ayay Mujaahidiintu ku beegsadeen kolonyada ciidamada kuffaarta kenya wakhti ay marayeen duleedka degmada Ceel-waaq, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Weeraradana sida daran loogu xasuuqay ciidamada Kneya ayaa kusoo beegamaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo xooggan lagu weeraray kolonyo ciidamo Kenyaan ah, xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Ceel-waaq Kenya ee dhaca soohdin beenaadka gobolka Gedo iyo Kenya.
Calamada.com
Wararkaan aan ka helaa!