Weerar qorsheysan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha macmalka degmada Buula Burde ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada maamulka isku magacaabay Hirshabelle.
Wararka laga helayo Buula Burde ayaa xaqiijinaya in ciidamada Al Shabaab ay weerar kedis ah ku qaadeen gudaha garoonka magaalada gaar ahaan saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada ilaalada ka haya garoonka.
Ugu yaraan Labo askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka Maamulka Gaala Raaca Hirshabeelle ayaa la xaqiijiyay in weerarka lagu dilay Hal askarina waa lagu dhaawacay, Waxey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Weerarkaasi kusoo furteen Qori iyo Boosh iyo Moota uu lahaa Maamulka Hirshabeelle.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan qarax lagu dilay askar ka tirsan Ciidamada Xabashida Itoobiya uu ka dhacay Deegaanka Halgan ee Wilaayada Hiiraan.