Rag ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ayaa howlgal qarax ah oo ay maanta ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhaba, waxay ku beegsadeen isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta u tiillay inta u dhaxaysa deegaanka Goof-gaduud Buurey iyo magaalada Baydhabo gaar ahaan halka loo yaqaano Lafoole.
Howlgalkan qaraxa ah, waxay ciidamada mujaahidiintu ku dileen laba askari oo Riddada ka tirsan, halka uu ku dhaawacmay askari kale oo murtad ah.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal xooggan ku qaadeen saldhiga maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin duleedka deegaanka Meeri oo u dhaw deegaanka Kaambooni ee dhaca xad-beenaadka u dhaxeeya soomaaliya iyo Kenya.